| |
Naasnuujinta Cadde Muuse Iyo Musuqmaasuqa Mandaqada Puntland
Caqliga saliimka ah ayaa diidaya in la qariyo xaqiiqda dhabta ah ee ka
jirta gobolada la isku dhaho Puntland oo uu hogaamiye ka yahay Cade Muuse.
In badan ayaynu indhaha ku hayney isdaba marinta iyo musuqmaasuqa baahey ee
ay gudaha gobolada Puntland ka wadaan Cade muuse iyo wiilasha ay isku
qooyska yihiin.
|
Inta aanan u dhaadhicin dulucda qoraalkan waxaan jeclahay
in aan dib u yar jaleeco guud ahaan sidii loo dhisey Maamul goboleedka
puntland.
Dabayaaqadii sanadkii 1998 ayaa dhidibada loo aasey maamul ku meel gaar ah
oo looga dan lahaa in gobolada Puntland (Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, iyo
Mudug Qaybtiis) loo sameeyo hal maamul oo dhexe oo ay ku midoobaan.
Heshiiskii mudada socdey dheer ka dib ayaa guushaas la gaarey, waxayna ahayd
biloow aad u qurux badan oo dadku is lahaayeen barwaaqo ayaa ku gaadhaysaan.
Ayaan daradii ugu weyneyd ee dhacdey waxay ahayd in maamulkaas iminka jirey
muddo toban sano ku dhow in uu iska daa wax kalee uu diyaarin waayo dastuur,
isla markaana afti loo qaado, bacdamaa maamulkii 1998-dii la dhisey uu ahaa
maamul ku meel gaar ah oo laga rabey in uu ugu yaraan qaab dhsimeedkiisa ka
bedelo ku meel gaar oo uu dhiso hay’ado badan oo aanu manta lahay.
Puntland, waa meesha keliya aduunka ee la dhaho waa maamul oo aan lahayn wax
guddi doorasho la dhaho, waa wax aan lahay wax loo yaqaan dastuur aan ku
meel gaar ahayn.
Su’aasha is waydiinta mudane waxay tahay Maxaa keeney in DGPL oo muddo toban
sano ku dhow uu ka gudbi waayo ku meel gaar oo aanu weli afti u qaadan
dastuur, ila markaana loo dhisi waayey guddi doorasho, loo hirgelin waayey
nidaamka xisbiyada badan, maadama aynu ka war hayno in toban sano ay tahay
muddo aad u badan oo lagu unki karey dhamaan hawlahaas kor ku xusan.
Xasuusnoow in waqtigaas ay Puntland jirtey uusan dhicin inta badan wax
xasilooni darro ama dhaqaalo xumo ah oo baajin karey in hawlahaas balaaran
looga gudbo nidaamka iyo dastuurkii kumeel gaarka ahaa oo weli ay puntland
umada ku dhaqdo.
Waxuu soo socdaba laga soo bilaabo sanadkii 2005-ta waxaa Puntland awoodeeda
la wareegey Jabahadii GBP oo uu hogaaminayey Cade Muuse.
Ma jecli in aan qoraalkayga ku weeraro reer gaar ah, balse bacdamaa aan ahay
Muwaadin reer Puntland ah waxaa igu wayn in aan ka aamuso xaqaa’iq dhab ah
aan cadaymo badan u hayo, si kastaba ha ahaatee ugu yaraan waxaan is
leeyahay aad iftiimisid waxyaabo is-daba marin oo ay iminkadan ku guda
jiraan Cade Muuse iyo dhowr nin oo ay isku reer yihiin.
Inaga oo aad uga war hayna, heshiiskii lagu asaasey mandaqada Puntland,
inaga oo aad ugu dhuun daloola nadaamka dhabta ah ee uu ku shaqeeyo maamulka
Puntland ee ah qabiilka, inaga oo ka war hayna nadaamka caalamiga ah ee qaab
dhismeedka maamul kasta oo jira, inagoo uusan daah ina ka saarneyn sidii ay
Puntland ahayd nadaamka hada jira ka hor, waxaa si fudud kuugu soo baxaysa
in nadaamka Cade Muuse uu ku dhisanyahay qabyaalad qaawan oo aan qof damiir
leh ku dhaqmi Karin.
Haddii aan u guda galo dulucda qoraalkayga, Waxaynu akhristayaasha sharafta
lahoow ka warhaynaa in Cadde Muuse uu shirkado Ajnabi ah la galey heshiisyo
xaaraan ah oo aan ku dhisnayn caqli wayni iyo hogaan hufan. In shirkado
ajnabi ah lagu casumo maalgashiga Puntland ma ahan wax xaaraan ah, aduun
waynaha oo dhan waa ka jirta waxa afka qalaad lagu dhaho FDI (Foreign Direct
Investment), heshiiska noocaasi ah waxa uu dhigayaa hadii aan heshiis xiriir
goboleed jirin sida kan wuqooyi ameerika ee USA, Mexico iyo Canada ee jaarka
ah ay u samaysteen ee la dhaho North American Free Trade Agreement (NAFTA)
in shirkada Ajnabiga ah ay mashruuca la maalgashanayo ay ku lahaato saami ka
yar kan wadanka la maalgashanayo uu leeyahay, Tusaale ahaan in shirkad
qalaad aysan qaadan Karin saami ka badan 40%.
Nadaamkaas caalamiga ah waxaa si aan habooneyn u fahmi waayey nadaamka Cade
muuse oo ilaa maalinkii uu madaxwaynaha noqdey ilaa maantey uu ka bixi
waayey safar uu ku aado keliya wadanka isu taga imaaraatka carabta isagoo
shaqo ka dhigtey keliya saxiixida heshiisyo aan weli hal midna ugu qabsoomin
nadaam xumo ka dhex jirta isaga iyo kuwa uu la shaqeeystoba darteed.
Xasuusnoow akhristoow in cadde muuse uu shirkad kasta oo uu heshiis la galo
uu siiyo lahaanshaha saamiga oo dhan (Entirely owned Venture) isaguna qaato
uun khidmada yar ee uu ka helayo saxiixa heshiisyada.
Akhristoow waad ka war haysaan in Australia aynaan wax xuduud ah wadaagin oo
aysan u dhaqmi Karin sida wadan jaar inala ah oo uu inaka dhexeeyo Regional
Economic Integration oo u saamaxaya in ay saami wayn qaadato oo dadkii
wadanka lahaana ay siiso oo keliya lacagta siinta ruqsadaha iyo damaanad
qaadida amaanka goobaha la maal gashanayo uun.
Cade Muuse Iyo Al Jaabiri
Guud ahaan dadwaynaha Puntland waxay dhaqaale ahaan ku tiirsanyihiin
dhoofinta xoolaha nool oo ay u diraan wadamada khaliijka carabta sida UAE,
Yamen, iyo Cumaan, Cadde Muuse iyo dhowr wiil oo ay isku qooys dhow yihiin
ayaa go’aansadey in ay hor istaagaan ganacsatada Puntland markii ay heshiis
aan sinaba caqli gal u ahayn la galeen ganacsade sucuudiyaan ah. Waxaa xusid
mudan in ganacsadahan sucuudiyaanka ah uu gobolada Puntland qabbaan/wakiil
uga yahay nin ay isku hal qooys yihiin cadde muuse.
Cadde Muuse oo aad u daneeynaya in uu wiilashaas ay ilma adeerta yihiin uu u
naas-juujiyo ka ganacsiga dhoofinta xoolaha oo ay keligood uga manfacaystaan
ayaa waxay heshiiskaas xaaraanta ah la galeen ninkaasi sucuudiyaanka ah,
iyagoo isku raacey in sanadkiiba 2 malyuun oo neef uu ka qaato Puntland,
nadaamkaas oo awood buuxda u siinaysa ninkaas cade walaalkiis ah in uu isaga
maahane aan cid kale dhoofsan xoolo oo uu halkaas ka helo maal fara badan
isagoo ka faa’idaysanaya mdaxtunimada cade muuse ee Puntland. Waxaan shaki
ku jirin in heshiis noocaas ahi uusan cade muuse iyo qooyskiisaba u
saamaxayn in ku helaan maalkan ay raadinayaan, bacdama sharicyan Puntland ay
weligeed ku dhaqmi jirtay nadaamka suuqa xorta ah oo aan weli la arkin hal
shirkad oo keligeed awood u leh haqab tiridda baahida dadwaynaha.
Waxaa iyana xusid mudan in ninkaas sucuudiyaanka ah oo isaga laftirkiisu
raba in isaga maahane aan ganacsade kale oo sucuudiyaan ahi uusan xoolo ka
keensan Puntland uu lacag baqshiish ah siiyey cadde muuse si uu ugu saxiixo
heshiiskaas.
Si kastaba ha ahaatee is waydiinta dhabta ah waxay tahay, hadiiba cade muuse
heshiiskan u arkey mid faa’iido badan maxaa keeney in uu si gaar ah awooda
xoolo dhoofinta u siiyo ninka ay isku qooyska yihiin? Maxaa hal nin oo
sucuudiyaan ah keliya loola galey heshiis? Maadaama ay Puntland tahay maamul
sidee bay ugu fekertey in ay la macmiisho ganacsade keliya iyadoon lala
hadlin dawlada sucuudiga oo iyadu awalba diidey xoolaha soomalida? Ma
Dawladda sucuudiga ayaa hor taagan xoolaha Soomalida mise ninkaasi Al
Jaabiri? Sababtee Cadde Muuse isagoo qaab dhismeed ahaan madaxweyne ka ah
Puntland ula heshiinayaa ganacsato bacdamaa Puntland leedahay wasaarado iyo
hay’ado khuseeya Ganacsiga iyo xoolo dhoofinta, sida Wasaarada Xanaanada
Xoolaha, Wasaarada Ganacsiga iyo Wershedaha iyo weliba Wasaarada Iskaashiga
caalamiga ah oo dhamaantood loo aasaasey hawlaha ay ku magacaabanyihiin?
Naasnuujinta noocan oo kale ah waxaa marag ma doonto ah in ay wiiqayso
awooda Cade muuse iyo wiilasha uu adeerka u yahay. Ma waysan ayaan darro
ahayn nin dhan oo mas’uuliyad wayn loo dhiibtey uu u dhaqmo sidii aabbe
caruurtiisa u shaqaynaya?. Ma waysan caqli xumo ahayn in Cadde Muuse uu si
anshax xumo ah u isticmaalayo kursiga madaxtinimada Puntland? Ma wuusan
Cadde Muuse ogayn in aan maantey Puntland aysan ka shaqayn wax la yiraahdo
hanjabaad iyo is daba marin aan dahsoonayn?
Muwaadin kasta oo Puntlander ah ayaan hubaa inuu iiga marag kacayo in aan
qabyaalad sidaas u indha cad weligeed soo marin Puntland. Waxaase waajib ku
ah cadde muuse iyo dhowrka wiil ee qooyskiisa ka mid ah in ay maskaxda ku
hayaan in cid kastaayi indhaha ku hayso isdaba marintooda qaawan ee aan u
cuntamaynin cid kastoo caqli leh.
Cadde Muuse iyo Al Xabaabi
Waxay ahayd horraantii bishii July ee sanadkii 2006 eenu soo dhaafney markii
cadde muuse uu si shaksiya u horkeeney golaha wakiilada Puntland oo fadhi
kulahaa magaalo madaxda Garoowe shirkada al xabaabi isagoo ka codsadey in
barlamaanku uu ansixiyo in shirkadani ay noqoto shirkada ilalaisa xeebaha
Puntland. Cadde Muuse ayaa isagu ku macneeyey ujeedada baahida shirkadan in
ay tahay iyadoo maraakiib iyo doonyo badan ay si sharci darro ah uga
kalluumaystaan xeebaha Puntland.
Baarlamanku waa diidey ansixinta shirkadaas iyagoo wakiiladu ku macneeyey
diidamadooda in ay ku salaysantahay iyagoo ka welwelsan ansixinta
shirkadaasi in ay mandaqada Puntland ka abuurto xiisad beeleed.
Shirkada Al xabaabi waa shirkad nin carab ah uu leeyahay, waxaa madax looga
dhigey Siciid warmajaale, Cagoole iyo weliba Ina Cali qood oo kulligood ah
niman ay isku reer yihiin Cadde Muuse. Nimankaas Cadde muuse u naasnuujinayo
xeebaha Puntland waxaa nasiib darro ah in aaan midkood toona uusan wax
khibrad iyo aqoon toona u lahayn maamulka iyo maaraynta badaha.
Nimankaas saddexda ah waxaa cadde muuse u xalaaleeyey in iyagoo hoos
harsanaya shikrada al xabaabi ay si dhuumaalaysi ah uga kaluumaystaan
xeebaha Puntland, iyagoo weliba awood loo siiyey in ay soo qabtaan cidii aan
iyaga ahayn oo ka kalluumaysta deegaanada Puntland. Taas waxaa ka marag
kacaya sida qaawan ee nimnkaas badda u ilaaliya cade ay u soo afduubtaan
markiibta kaluumaysiga isla markaana iska daa ganaax markaba ahaane dadkii
saarnaa calaa qof ku xukumey lacag gaaraysa ilaa USD 1000/.
Saddexdaas nin oo aan kulligood si shakhsiya u aqaaney weligood ayaa horey u
ahaan jirey dulaalo iyagoo cadde muuse ka hor aan weligood u shaqayn
wasaarada kalluumaysiga ama shirkadihii hore ee ilaalinta xeebaha Puntland,
cid kastana ogtahay aqoontooda iyo shaqooyinkoodii hore ayaa waxaa si aan
dhuumasho lahayn loogu dhiibey mas’uuliyad wayn oo aysan ka bixi Karin,
sababta qudha ee loogu dhiibayna awooda ilaalinta xeebahana ay tahay
qabyaalad cad oo aan caqliga wayni qaadan Karin kuna tusaysa baaxadda isdaba
marinta cadde muuse iyo nidaamkiisa.
Xilligii madaxweyne C.laahi Yuusuf Axmed uu ahaa madaxwaynahay maamulka
deegaanka Puntland waxaa ganacsatada ka kaluumaysta xeebaha Puntland
ruqsadaha kalluumaysiga (Fishing License) si toos ah uga qaadan jireen
wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka DG Puntland, hase yeeshee markii cadde
muuse awooda heley waxaa wasaarada kaluumaysiga laga wareejiyey awooda
bixinta ruqsadaha kaluumaysiga, iyadoo madaxtooyada oo qudha ay awood u
yeelatey in ay bixiso waxii documents ah oo ogolaanaya ka kaluumaysiga
xeebaha Puntland.
Sharci ku tumashadan cusub ee uu horseedey cadde muuse ayaa dhalisey in
ganacsato badan oo u hanqal taagayey ka kaluumaysiga badaha ay ku hungoobaan
wasaarada kaluumaysiga, iyadoo wasiirka kaluumaysigu uu ganacasde kasta oo
kaluumaysi u shaagayey in uu toos ula xiriiro madaxtooyada oo ay inta badan
ka shaqeeyaan nimankaas aan kor ku soo xusey. Taasi waxay dhalisey in
bacdamaa uusan jirin cid bixinaysa ruqsad kaluumaysi ay ganacsato badan
bilaabaan ganacsiga kaluumaysiga.
Su’aasha habboon in la iswaydiiyo waxay tahay Maxay tahay sababta uu cadde
muuse hay’ad walba oo dawli ah sida tan dhoofinta xoolaha iyo tan ilaalinta
xeebaha uu madax uga dhigo niman ilma adeer ay yihiin? Kan sheeganaya in uu
cadaalada hor keenayo cidii si sharci darro ah uga kaluumaysta xeebaha
Puntland ee isna sharci darro uga kalumaysanaya Puntland ma iloowsanyahay in
isaga laftirkiisa uu u baahanyahay cid cadaalada horkeenta bacdamaa
doonyahay iyo maraakiibta ugu badan ee Puntland ka kaluumaysta ay u
kiraysanyihiin Cagoole, Siciid Warmajaale, iyo Ina Cali qood.
Su’aasha kale ee iswaydiinta mudan waxay tahay, Sharcigee bay ku
shaqaynaysaa shikrakada Alxabaabi marba hadii aysan haysan xasaanadii golaha
wakiilada Puntland?
Damiir xumada murugtey ee uu cade muuse ku kacayo waxay raad reebtey in
uusan xitaa lahayn karti iyo aqoon baahsan oo uu ku kasbado dhowr iyo
lixdanka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland.
Nadaamka Cadde Muuse ku shaqeeyo ma ahan mid barlamaani ah, waa mid si dheer
ugu eeg sida guri hal reer deganyahay oo oday iyo wiilashiisu masu’uul ka
yihiin.
Xasuusnoow cadde muusoow in adiga iyo ilma adeertaa aydaan sidaas meel ku
gaadhayn, taas waxaa marag kuugu Filan Inta heshiis ee aad cadoow gashey oo
aan weli wax kaaga suurtoobin, waxa keliya ee aad ka dheeftayna ay tahay
adigoo lagu fahmey in aad tahay nin aqoon yari hayso oo aan xitaa aqoon sida
wax loo qarsado.
Cadde Muuse Iyo Macdan Baarista
In kastoo dadwaynuhu aad ugu dhuundaloolaan sharaf dhicii cadde muuse kala
kulmey heshiiskii uu la galey maafiyadii reer ustureeliya ee dhigayey
xaalufinta macdanta dhulka hoostiisa ee puntland hadana sidoo kale madaxa
mashruucaas macdan qodista waxuu madax uga dhigey Liibaan Boqor oo ay isku
qooys yihiin, si uu umada u jeediyo ayuu xilkii ka qaadey oo maareeyahay
wakaaralada macdanta u magacaabey isla nin kale oo ay ilma adeer yihiin.
Macdan baarista Puntland waa fadeexadii ugu wyaneeyd oo dadka reer puntland
iyo soomaali oo dhanba tustey qalqlooca siyaasada cade muuse ee ku dhisan
qabyaalada qaawan iyo boobka hantida la wada leeyahay.
Mashruucaas oo ahaa kii ugu waynaa ee uu waqti iyo lacag fara badanba ku
bixiyey weli wax natiijo ah kama gaarin, taas oo macnaheedu tahay in aan
weli shirkada reer usturaaliya ee uu watey Terry aan ku guulaysan baarista
hal ceel ama hal bar oo lagu tuhmi karo shidaal ama macdan.
Mar aan dhowaan Terry kula sheekaystey garoonka diyaaradaha magaalada
Jabuuti ee jamhuuriyada Djabouti ayaan waydiiyey sababta keentey in uusan
weli u gelin hawshii macdan baarista, Terry oo aad u niyad jabsan ayaa ii
sheegey in taasi aysan marnaba dhacayn sababtoo ah buu yidhi cadde muuse
ayaan ka haysan wax kalsooni ah qabaa’ilka degan baraha shirkada u cayiman
ee laga baarayo macdanta. Terry oo runtii wajigiisa ka muuqatey in uu aad
ugu hungoobey riyadiisii ahayd in uu macdan ka baarto Puntland ayaa waxuu
kaloo ii sheegey in cadde muuse siyaasad ahaan iyo caafimaad ahaanba uusan
bad qabin taasina ay Terry ku khasabtey in uusan aad u aaminin nidaamka
hadda ka jira Puntland oo uu afkiisa iiga sheegey in uu la shaqeeyo uun hal
qooys.
Taas bedelkeeda cade muuse waxuu shaqo ka dhigtey aadista dalka isutaga
imraatka carbta, waxuu maalin walba markuu asbuuc joogo puntland ku laabtaa
imaaraatka si uu nimankaas maafiyadaa ula soo hadlo. Abid aduunka kama
dhicin nin maamul dhan oo jira madax ka ah oo keligiis iyo walaalihiis ay
heshiisyo maafiyo oo aan dahsoonayn la soo galaan ilaawona waajibaadkii
qaranimo ee isaga dusha ka saarnaa.
Natiijada keliya ee aan ku xasuusano macdin qodista Puntland waa dadkii
naftooda ku waayey deegaanka Majiyahan ee ka biyo diidey mashruuca cadde
muuse iyo qooyskiisa ee ahaa xaalufinta macdanta dhulkeena hooyo.
Maxay ku dhinteen dadkaas muwaadiniinta ah ee cade muuse kitaabka u marey in
uu naftooda iyo xoolahooda ilaaliyo? Ma waysan ayaan darro ahayn in uu isagu
xabad ku dhufto intuu deegnaakooda ugu tago?
Waxaa xusid mudan in cadde muuse u si toos ah ula shaqaysto mulkiilaha
shirkadda xawaalada Dahab-shiil oo isagu shirkadaha macdan baarista iyo
cadde muuse dulaal muddo u ahaa kana bixinayey waxii damaanad ah ee ay
dalbadaan maafiyada heshiiska ee reer ustureeliya ah. Intii heshiiskaas lagu
guda jirey Xawaalada Dahab shiil oo ahayd xawaalad caalami ah oo dadka
soomaaliyeed oo dhan si wayn ugu adeegi jirtey ayaa hadda haba yaraatee aan
wax adeeg ah siin dadka caadiga ah iyadoo xawaalada loo isticmaalo uun soo
dirista iyo dirista lacagaha ay kala qaadnayaan cadde muuse iyo Terry oo ah
madaxa shirkadaha maafiyada ee macdan baarista.
Maxaa la gudboon dadweynaha nabada iyo hururmarka jecel ee Puntland?
Akhritayaasha sharafta lahoow kuma soo koobi karo fadeexadaha cadde muuse
iyo dhowrka wiil ee ay ilma adeerta yihiin halkan (Warmajaale, Cagoole, Ini
Cali qood, Caydaruus iyo Liibaan Boqor) balse waxaa iga xauusin ah in aan
gacantayda ku hayo malaayiin cadaymo ah oo aan hubo in ay jahwareerinayaan
amnigeena, balse waxaan door bidey in aan intaas ku eekaado si aan cadde
muuse iyo ilma adeertiis u xasuusiyo in dadwaynuhu ogyihiin asal ahaan
ujeedada cade muuse iyo ragaas ay qaraabada yihiin. Waxaana talo iga ah in
cadde muuse uu ka waantoobo isdaba marintaas Puntland uu ka wado kuna celiyo
nadaamkii ay Puntland weligeed ku socotey.
Dadka puntland waxaa cid kastooo soomali iyo ajnabi ahba ku amaantaa nabad
iyo horumar jacayl. Duufaanaha colaadeed ee uu cade muuse iyo qooyskiisu la
maaganyihiin dad waynaha waa arrin u baahan in si wayn looga feejignaado.
Waxay dadka reer puntland nasiib u yeesheen in cadde muuse iyo qooyskiisa
isdaba marintooda iyo musuqmaasuqoodu uu yahay mid aan dahsoonayn oo
dadwaynuhu si xoog badan u daawanayaan.
Bacdamaa umada reer puntland qof kasti masuul ka yahay nabada aynu haatan
haysano iyo horumarkaba waxaa muhiim ah in dadku iska leexiyaan
jalaafooyinkan cusb ee cadde muuse ku raadinayo lacag iyo maal uusan
wadadeeda hayn.
Hadaba waxaan soo jeedinayaa talooyin aan is leeyahay waxay inaka dul qaadi
karaan isdaba marinta cadde muuse iyo dhowrkaas nin eey qaraabada yihiin:
1.Midda ugu horeeysa ee aan is leeyahay waa udub dhexaadka iska dulqaadida
nidaamka isdaba marinta iyo musuqmaasuqa cadde iyo qaraabadiisa waa in la is
hortaago dhamaan heshiisyadaas oo dadwayuhu ka dhiidhiyaan iyagoo shardi ka
dhigaya in keliya sharcgii golaha wakiiladu ansixiyaan uu puntland ka
shaqayn karo.
2.In ganacsatada Puntland ay ka shiraan sidii loo joojin lahaa heshiiska
cade muuse ku naas-nuujinayo wiilasha ay isku reerka yihiin, iyadoo laga soo
horjeesto dhamaan heshiiyada dhoofinta xoolaha iyo kaluumaysiga ee uu cadde
ku doonayo in uu u madax banaaniyo qooyskiisa.
3.In dadka reer puntland dareenkooda ku muujiyaan sida wayn ee loogu
baahanyahay dastuur ay afti u qaadaan dadka reer puntland, isla markaana ay
qoraan qareeno gaar ah oo laga dalbanayo dawlada federa-ka kumeel gaadhka ah
si aan mar danbe cidii madax ka ah puntland aysan awood ugu helin naas
nuujin iyo musuq maasuq baahsan.
Guntii iyo gabagabdii waxaan ku soo afmeerayaa dulucdayda taxanaha noqon
doonta hadii allaha ka raali noqdo in nidaamka hada ka jira mandaqada
Puntland uu yahay maamul si bareer ah uga leexday wadadii maamul ee loo
dhisey, isla markaana ku shaqeeynaya nidaam qabyaali ah oo aan cidna daah ka
saarnayn, hadii aan si dhaqso lehna wax looga qaban uu dadka reer pintland
iyo mandaqoodaba uu dhaxal siin doono cawaaqib xumo muddo u dib dhigta
nabada iyo horumarka dadka reer puntland.
Mahadsanidiin
Faysal Ali Ahmed
E-mail: faysal-dheere@hotmail.com
Bosaaso, Puntland, Somalia
|
|